Iskahorimaad ku dhex maray degmada Hobyo ciidamada Galmudug iyo kuwo Ximan iyo Xeeb

Iska horimaad hubeysan ayaa waxaa ku dhex maray degmada Hobyo ciidamo soo kala horjeeda oo kala taabacsan maamulka Galmudug iyo maamulka Ximan iyo Xeeb.

Dagaalkan ayaa dhacay kadib markii wafdi uu horkacayo madaxweynaha Galmudug Col Cabdi Xasan Cawaale uu booqasho ku tegey degmada Hobyo.

Wafdiga la socday Col Cabdi Xasan Cawaale ayaa waxaa kamid ah saraakiil ka socday dawlada Maraykanka iyo Midowga Yurub.

Meel ku dhow dekeda magaalada Hobyo ayaa waxaa iska horimaad ku dhex maray ilaaladii la socotay wafdiga Cabdi Qeybdiid iyo maleeshiyo halkaa ku sugneyd.

Iska horimaadkan ayaa la sheegay inaysan cidna wax ku noqon balse labada maamul ee Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb ayaa khilaafka ka dhexeeya eek u saabsan gacan ku haynta dekeda Hobyo banaanka soo dhigey.

Afhayeen u hadlay maamulka Galmudug ayaa sheegay in iska horimaadkan uu ahaa mid ka dhashay burcad badeed diidan in wax laga qabto dayactirka dekeda Hobyo.

Hase yeeshee afhayeen u hadlay maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa waxa ay sheegeen in iska horimaadkan uu ahaa  mid u dhexeeyay ciidamada XIman iyo Xeeb iyo ilaaladii la socotay madaxweynaha Galmudug.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here