Iskahorimaad hubeysan iyo dilal xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan oo la sheegay inay ahaayeen ciidamo ka tirsan ururka Alshabaab ayaa xalay weerar gaadmo ah ku qaaday dhisme ay ka degenaayeen ciidamada dowlada xaafada Xamar Jadiid ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadii weerarka geysatay ayaa iska caabin xoogan kala kulantay ciidamadii ay weerareen waxana la sheegay in uu halkaasi ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Waxaana saaka lagu arkay halka uu dagaalka ka dhacay meyd yaala, waxayna saraakiil katirsan ciidamada dowlada ayaa u sheegeen shacabka in wiilkaas meydkiisa la arkay uu ka mid ahaa kooxihii weerarka soo qaaday.

Dhanka kale illaa iyo  afar ruux ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay xalay magaalada Muqdisho. Dilalkana  waxaa ay ka dhaceen degmooyinka Shibis, Kaaraan iyo Yaaqshiid

Dilalkan ayaa waxaa sheegtay inay geysteen ururka Alshabaab, iyadoo hadal laga soo xigtay sarkaal shabaab ah uu sheegay in dhamaan weeraradaas lagu dilay askar katirsan ciidamada Dowlada KMG. Hase yeeshee majiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowlada isla markaana xaqiijinaya in ay dadka la diley ay ka tirsanaayeen ciidamada dowlada.