Iskahorimaad ay dad ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Hargeysa

Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegay in iska horimaad hubeysan uu ku dhex maray magaalada Hargeysa dad rayid ah oo iyo ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland.

Dagaalka ayaa ka dhacay xaafadaha dhanka Bari ee magaalada Hargeysa, waxaana dad rayid ah ay weerareen xero ciidan oo degenaayeen ciidamada Somaliland.

Iska hor imaadka ayaa dhexmaray  dad sheeganayay dhul ay degen yihiin ciidamada madaafiicda goobta ee Somaliland.

Iska horimaadkan ayaa la sheegay in ay ku dhinteen toddobo ruux ayna ku dhaawacmeen tiro kale. Waxana xabsiyada la dhigey illaa soddon ruux oo  ay ku jiraan dad ku dhaawacmay iska horimaadkan.

Wasiirka gaashaandhigga Somaliland oo ka hadlay iska hor imaadka ayaa marka hore ka tacsiyeeyey qasaaraha waxaana uu ku adkaystay in dagaalku dhexmaray ciidamada maamulka iyo dad sheeganayay dhulka ay degen yihiin ciidamada Somaliland.

Xaaladda ayaa iminka deggan balse maanta gelinkii hore magaalada Hargeysa waxaa ka socday xiisad iyo banaan baxyo looga soo horjeedo dagaalkaasi ka dhaca Bariga Hargeysa.

Iska horimaadkan ayaa ah mid noociisa oo kale aan hore uga dhicin magaalada Hargeysa oo ah magaalo ammaan buuxa ka jiro.