Iska hor’imaad maanta ka dhacay Burco

Wararka naga soo gaaraya magaalada Burco, ee gobolka Togdheer ayaa sheegaya in maanta halkaas uu iska hor’iamad ku dhexmaray kooxo hubeysan iyo Ciidamada booliska, dagaalka ayaa la sheegay ineey ku dhinteen laba qof.

Koox hubeysan ayaa la sheegay ineey weerar kadis ah ku qaadeen Ciidamo boolis ahaa oo galbinayay wafdi uu horkacayay wasiirka xanaanada Xoolaha Somaliland.

Dagaalka dhexmaray kooxdan hubeysan iyo ciidamada Booliiska ayaa yimid xili wafdiga ka socda dowlada Soomaaliland ay soo dhagax dhigeen xarun lagu xanaaneyn doono Xoolaha oo laga sameeyey deegaanka Kabadheer oo 10km u jidha magaalada Burco.

Deegaankaasi ayaa waxaa jira labo kooxood oo isku heystay, waxaana lagu soo waramayaa in dowlada Somaliland ay dhawaan heshiis la gashay mid kamid ah dhinacyadii dhulkaasi isku haystey.

Laba qof ee dagaalka ku dhimatay, ayaa la sheegay in mid kamid ah uu ahaa Ciidanka booliska, halka kan kalena uu ahaa ragii weerarka geystay, sidoo kale goob joogayaal ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay mid kamid ragii weerarka kuq aaday wafdiga uu wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland hogaaminayay.

Wixii warar soo kordho kala soco bogga

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com , midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here