Iska horimaad ku dhex maray Baydhabo ciidamo taabacsan Alshabaab iyo ciidamada dowlada

Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xalay uu ku dhex maray gudaha magaalada Baydhabo iska horimaad hubeysan oo uu dhexeeyey  ciidamada dowlada ee ku sugan magaalada Baydhabo iyo  dabley hubeysan  oo ka tirsan ururka Alshabaab.

Iska horimaaadkan oo la sheegay in uu ka dhacay meel ku dhow guriga uu ka degen yahay magalaada Baydhabo guddoomiyaha gobolka Bay.

Taliyaha ciidamada Booliska magaalada Baydhabo Col Mahad Cabdiraxmaan ayaa waxaa uu sheegay in ay dib u caabiyeen weerarkii lagu soo qaaday xilli ay ka da’ayeen magaaladaasi roobab waaweyn.

Waxana uu taliyuhu sheegay in ay ka dileen ciidamadii weerarka soo qaaday afar ruux halka mid kalana ay ka dhaawaceen.

Ururka Alshabaab ayaa waxa ay sheegeen in weerarka ay qaadeen ay ku dileen saraakil ka mid ah ciidamada dowlada.

Dadka ku nool magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegeen In iska horimaadkan uu cabsi iyo welwel ku abuuray dadka ku nool magaalada Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here