Iska horimaad hubeysan oo ka socda deegaanka Nasteexo ee degamda Wadajir

Iska horimaad hubeysan oo u dhexeeya ciidamada maamulka degmada Wadajir iyo ciidamo kale  oo ku sugnaa deegaanka Nasteexo ee degmada Wadajir ayaa waxaa uu ka socdaa deegaanka Nasteexo ee degmada Wadajir.

Iska horimaadkan oo socday muddo kooban ayaa qalqal geliyey dadweynaha ku nool deegaanka Nasteexo iyo deegaanadaa u dhow u dhow waxana hakad ku yimid isu socodka gaadiidka iyo dadka ee deegaankaas iyo ganacsigii deegaankaas ka jirey.

Illaa iyo hadda lama oga qasaaraha ka dhashay iska horimaadkan, hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in dad ku dhaawacmay rasaastii la isku ridayay  la geeyey isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga sababta keentay iska horimaadkan hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada maamulka degmada Wadajir ay weerar ku soo qaadeen bar kontorool oo ay gaadiidka dadweynaha lacago ugaga qaataan dabley hubeysan oo ka mid ah dadka degen deegaanka Nasteexo.

Dagaaladan oo u muuqda in ay sal ku leeyihiin qaab beeleed ayaa ah kuwii ugu horeeyey oo noocooda oo kale ahoo ka dhaca degmada Wadajir dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.