Iska hor imaad xalay ka dhacay Beledweyne

Iska hor imaad ayaa xalay ka dhacay gudaha magaalada Baladweyne kaasi oo dhex maray ciidanka dowlada iyo maleeshiyo hubeysan.

Qaraxyo iyo dhawaqa rasaasta oo socotay qadar daqiiqado ah ayaa laga maqlay agagaarka Buundada Liiq-Liiqato ee magaalada sida ay xaqiijinayaan dadka deegaanka oo sheegay in daqiiqado kadibna ay xaalada dagtay.

Wararka waxay sheegayaan in dagaalyahano ka tirsan Al Shabab oo la rumeysanyahay in ay ku dhex jiraan magaalada ay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada dowlada ku leeyihiin Buundada Liiq Liiqato.

Dhanka kalana ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baladweyne ayaa saakay ka sameeyey xaafado ku yaala dhanka bari ee magaalada howlgal miino baaris ah, iyaga oo soo saaray miinooyin sida ay xaqiijinayaan dad goob joog ah.

Xaalada Baladweyne ayaa saakay dagan, waxaana si caadi ah u socdo dhaq dhaaqa ganacsiga, isu socodka dadka iyo gaadiidka.
 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.