Iska hor imaad Muqdisho ku dhex maray Ciidamada dowladda

Iska hor imaad ayaa duhurnimadii maanta Ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhex maray agagaarka Jidka Warshadaha, iyadoo iska hor imaadkan uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Sida wararku sheegayaan iska hor imaadkan ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan nabadsugida ay weerar ku qaadeen ciidamo kale oo jidgooyo dhigtay meel ku dhow Warshadii Taraqa iyo Sigaarka.

Ciidamada jidgooyada dhigtay ayaa la sheegay inay wateen dareyska ciidamada milateriga iyo booliska, iyagoo kadib isku dhacay ciidamo kale oo doonayay inay jidkooyada xoog uga qaadaan.

Ilaa hal ruux ayaa ku dhintay saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen, iska hor imaadkaas oo muddo dhex marayay ciidamada, waxaana markii dambe goobta isaga tagay ciidamadii weerarka soo qaaday, inkastoo aanay u suura gelin inay jidgooyada qaadaan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in jidgooyada ciidamada ay soo dhigteen inta u dhaxeysa Warshadii Taraqa iyo sigaarka iyo Stadium Muqdisho, halkaas oo ay gaadiidka maraan.

Ma ahan markii u horeysay oo uu Iska hor imaad dhex maro ciidamo ka wada tirsan dowladda oo ku sugan magaalada Muqdisho, kaasoo ka dhasha qasaare ka soo gaara dadka shacabka.