Iska Hor Imaad Khasaare Geystay oo ka Dhacay Beledweyne

Iska hor imaad khasaare geystay ayaa Ciidamo ka wada tirsan Dowladda waxa uu ku dhexmaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Iska hor-imaadka ayaa dhacay habeenkii xalay waxaana la soo sheegayaa inuu ka dhashay dil shalay gelinkii dambe magaalada Looga geystay askari kale kaasi oo la xusay inay dileen askar kale.

Iska ku dhaca ayaa mudo ka socday magaalada waxaana si rasmi ah loo ogeyn khasaara dhabta ah ee ka dhashay isku dhacaasi maadama uu xiligu ahaa xili habeen.

Mararka qaar ayaa magaaladaasi waxaa ka dhaca iska hor-imaadyo u dhexeeya ciidamada dowladda ee ku sugan degmadaasi, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobbolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya.

Xaalada ayaa saakay ah mid degan, isku socodka gaadiid iyo dadweynaha ah kuwa caadi.

Magaalada Beledweyne waxaa kusugan Ciidamo u badan kuwo beeleed waxayna ka wada tirsan yihiin kuwa Dowladda inta badan way isku dhacaan waxaana ka dhasha khasaare kala duwan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here