Iska hor imaad ka dhacay Isgoyska Baar-Ubax

Laba askari ayaa ku dhaawacantay kadib marki ay maanbta ciidamo ka wada tirsan dowlada KMG Soomaaliya ku dagaalameen isgoyska Baar-Ubax ee magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadka oo sida la sheegay ku yimid laba askari oo uu muran dhex maray ayaa marki danbe isu badalay in ay kala saftaan ciidamo ku sugnaa halkaasi, waxaana rasaasta ay bilaabatay xilli goobta ay aad mashquul u aheyd.

Goob joogayaal ayaa sheegay in rasaasta oo socotay qadar daqiiqado ah ay sababtay in uu mar qura xirmo isu socodka dadka iyo gaadiidka, hase yeeshee uu marki danbe dib u furmay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada oo goobta yimid ayaa xiray askariti dagaalantay, waxaana haatan goobta jooga ciidamo Boolis ah.

Isgoyska Baar-Ubax ayaa ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan ee magaalada Muqdisho, waxa uu ka midyahay afar isgoys oo laga soo galo Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.