Iska hor imaad ka dhacay duleedka Afgooye

Iska hor imaad ayaa ka dhacay galabta Koontaroolka Baar Ismaacil ee duleedka degmada Afgooye kadib marki ay Al Shabaab weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowlada halkaasi ku leeyihiin.

Laba ruux ayaa la sheegayaa in ay ku dhaawacmeen iska hor imaadkaasi, waxaana marki danbe xigay madaafiic iyo labada dhinac isku rideen inkastoo marki danbe ay xaalada qabowday marki ay dib u laabteen Shabaabka.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowlada ayaa sheegay in ay weerar kusoo qaadeen waxa uu ku tilmaamay dad baqa carar ah, hase yeeshee ma jirin wax war ah ay Shabaab kasoo saareen arrintaasi.

Degmada Afgooye ayaa haatan dagan, waxaana si caadi ah u socda dhaq dhaqaaqa ganacsiga iyo isu socodka gaadiidka, iyadoo ay ku suganyihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya.

Laakin, afhayeen u hadlay Al Shabaab oo lagu magacaabo Abu Muscab ayaa hadal uu maanta siiyey saxaafada ku sheegay in dagmada Afgooye ay uga baxeen xeelad dagaal, dibna ugu soo laaban doonaan iyaga oo wacad ku maray in ay qaadi doonaan weeraro rogaal celis ah.

Ciidamada dowlada iyo Amisom ayaa qabsaday Afgooye Jimcihi lasoo dhaafay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.