ISIS oo sheegatay weerarkii uu wiilka Soomaaliga ka geystay Ohio, Colmbus

ISIS oo sheegatay weerarka OhioKooxda ISIS ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkii uu ku qaaday mid ka mid ah ardayda wax ka barata Jaamacada Ohio ee dalka Maraykanka ardaydii iyo macalimiintii Jaamacaas taasoo sababtay inay 11 ruux ku dhaawacmaan ruuxii weerarka geystayna uu ku dhinto.

Wakaalada wararka kooxda IS ee Amaq ayaa ku tilmaantay Cabdirisaq Cartan oo ahaa 18 jir Soomaali qaxootinimo ku galay dalka Maraykanka inuu ka mid ahaa ciidamadeeda.

“Qofkii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Maraykanka gobolka Ohio waxa uu ahaa askari IS, waxana uu weerarkaas jawaab u ahaa baaqyadii ururka ee ahaa in lagu bartilmaameedsado wadamadooda dalalka isbahaysatada ah,”ayay tiri Amaq.

Hase yeeshee qoraalka Amaq ma sheegin in weerarkan uu ahaa mid dibada laga soo abaabulay ama in Cartan uu kaligii ka dambeeyay. Amaq ayaa sidoo kale soo bandhigtay sawir uu xiran yahay Cartan shaar midabkiisu yahay Buluug oo fadhiya meel doog ah.

Cartan ayaa la diley isagoo doonayay inuu waxyeelo kale sii geysto kadib markii uu ka soo degey gaarigii uu watay oo uu ku jiirsiiyay illaa 9 ruux oo isugu jirey macalimiin iyo arday.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here