ISIS oo sheegatay ineey qabatay duuliye katirsan ciidamada Bishar Asad

BURBURKA DIYAARADA
BURBURKA DIYAARADA

Kooxda isku magacaawday Khilaafada Islaamiga ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan (ISIS), ayaa sheegatay ineey nolosha ku qabteen duuliyed katirsan ciidamada Bishaar Asad, kadib markii ay dhulka soo dhigeen diyaaradii uu waday.

Wakaalada wararka (Acmaaq), oo ah wakaalad taabacsan kooxda ISIS, ayaa qortay in duuliyahaan lagu magacaabo Cazaam Ciid islamarkaasina uu kasoo jeedo deegaanka Alepo.

Wakaaladan ayaa sidoo kale baahisay , in duuliyahan uu Baarashuud kaga booday diyaarada, kadib markii ay dagaalyahano ISIS katirsan Gantaal la heleen diyaaradii uu waday.

Sidoo kale wakaaladan ayaa soo bandhigtay sawirka bur burka diyaarada iyo sidoo kale codka dagaalyahano katirsan kooxda, kuwaasoo baadigoobaya duuliyaha, kahor intaan la qaban.

Majiraan cadeeymo ama ilo kaloo xaqiijinaya sheegashada ISIS.

Sida ay xaqiijiyeen ilo katirsan kooxda u dooda xuquuqda aadanaha Syria, diyaaradan ayaa kusoo dhacday Koofurta Baadiyaha magaalada Dimishiq.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here