Isgoyska Lambar 4 oo lagu kala cararay kadib markii laga shakiyey baabuur wadada la dhigey

Isgoyska lambar 4 ee magaalada Muqdisho ayaa gaadiidkii iyo dadkii mari jirey uu saaka hakad ku yimid kadib markii laga baqay baabuur la soo dhigey wadada dhinaceeda.

Baabuurkan ayaa looga shakiyay inay saaran yihiin waxyaalaha qarxa waxaana albaabada la isugu dhuftay goobihii ganacsiga ee ka jiray wadadaas gaar ahaan wadada aada garoonka dayuuradaha.

Ciidamo faro badan ayaa la geeyey halkaas iyadoo la sheegay in ciidamaduna ay qabteen labo nin oo looga shakisan yahay inay wateen baabuurka.

Isgoyska Lambar 4 ayaa ah mid mar walba mashquulsan waxana uu halbowle u yahay isticmaalka ciidamada Amisom ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Cabsi xoogan ayaa laga dareemaya magaalada Muqdisho kadib markii dhowaan ay shaacisey ururka Alshabaab in si toos ah uu ugu biirey ururweynaha Alqaacida.

Waxaana bishaan oo qura ka dhacay magaalada Muqdisho labo qarax oo ka dhashay gaadiid lagu soo raray waxyaalaha qarxa iyadoo qaraxii ugu dambeeyey uu shalay ka dhacay gudaha xarunta baarista dambiyaha ee CID oo ku taal meel u dhow isgoyska lambar 4.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.