Isco oo maalmaha soo socda heshiiska u cusbooneeysiinaya Real Madrid

Xidiga Khadka dhexe u maamula xulka Spain iyo Kooxda Real Madrid Isco ayaa shaaciyay  inuu ku dhow yahay inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa Real Madrid taa oo u muuqata inay soo afjari doonto rajada suuro galinimada inuu u dhaqaaqo Premier League.

Isco oo caawin aa innaba caadi ahayn sameeyay kulankii uu xulkiisa 2-1 uga adkaaday Macedonia ayaa sheegay inuu doonayo inuu kooxda sii joogo wuxuuna sheegay in horumar laga sameeyay wada hadalada uu heshiiska ku kordhinayo.

“Horey ayaan u iri  waxaan ku dhownahay heshiis cusub,” Isco ayaa sidaa u sheegay Teledeporte.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay Madrid waxaana rajeynayaa inaan halkaa sii joogo sanado badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here