Isbitalka baladweyne oo afar sano kadib helay deeq dawa ah

 garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne
garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne

Deeqdi ugu horeysay oo dawo ah mudo afar sana ah ayaa maanta ka dagtay garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne.

Deeqdaan ayaa waxaa geeyey halkaasi hey’ada MSF Swiss oo gacanta ku heyn jirtay Isbitaalka ugu weyn magaalada Baladweyne kaasi oo daryeelo bukaanada deegaanka.

Madaxa caafimaadka maamulka Gobolka Hiiraan, Axmed Maxamed Qalif ayaa sheegay ay aad ugu faraxsanyihiin dawooyinka la keenya isbitaalka, isaga oo sheegay in ay wax badan ka tari karto xaaladaha caafimaadka.

Dawooyinka ayaa waxa ay ka koobanyihiin Qalajiyaal, xanuun baab,iyaal, raashinka nafaqada hooyada iyo dhallaanka iyo dawooyin kale.

Isbitaalka Baladweyne ayaanan helin dawooyin ku filan tan iyo inti ay joogeen Al Shabaab oo halkaasi ka mamnuucay inti badneyd hey’adihi gargaarka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here