Isbitaalka Kismaayo Oo Kasoo kabanaya Raadadkii dagaalada

Inkastoo Al-shabaab laga saaray magaalo xeebeedka Kismaayo Lix bilood kahor, hadana dadka ku nool magaaladaas waxay ka sheeganayaan xaalado Caafimaad daro iyo nolosha aas aasiga ah oo bur burtay.

Wariye katirsan TV-ga Press tv, oo warbixintaan diyaariyay ayaa waxa uu sheegay in booqasho ay ku tageen magaalada Kismaayo ay ugu horeen gaareen Isbitaalka ugu weyn magaladaas.

Waxa uu sheegay in Isbitaalka gudihiisa ay kula kulmeen bukaano gaaraya ilaa 30, waxa uu sheegay in dadkas ay u sheegeen in ay kayimaadeen deegaano ugu yaraan 100km u jirta Kismaayo, si ay uhelaan adeegyo Caafimaad oo munaasab ku ah.

Wariyahan waxa uu sheegay in dadka isbitaalka Kismaayo kujira badankooda ay soo ridatay Malaariyada,waxa uu sheegay in dhaqaatiirta isbitaalka ay u sheegeen in badanaa dadka la keeno halkaas ay u badanyihiin Caruurta iyo dhalinyarada.

Dekeda Magaalada Kismaayo, waa udub dhexaadka ama halka ugu badan ee uu dhaqaalaha kasoo galo magaalada,  Waxa uu sidoo kale xusay in Isbitaalka Kismaayo uusan haysanin waxyaabihii loo baahnaay in dadka loogu fuliyo adegyada Caafimaad, sidoo kale malahan shaqaalo ku filan, sidookale Isbitaalka waxaa wali ka muuqda raadadkii ay kaga tageen dagaalada magaalada ka dhici jiray.

Majirto wax hay’ado ah oo isbitaalka kahowlgala, waxayna faarujiyeen xiligii ay halkaas qabsadeen Al-shabaab, kuwaasoo mudo ku dhow 4 sano ka talinayay halkaas.

Hay’adaha QM uqaabilsan arimaha gar gaarka, ayaa horay usheegay ineysan gaari Karin halkaas, tan iyo inta uu kasoo hagaagayo amaanka.

Source:Press TV.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here