Isbitaalka Af-madoow oo ay Soo wajahday dawo La’aan

Isbitaalka degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, ayaa waxaa laga soo sheegayaa ineey kajirto dawo la’aan, waxaana Isbitaaalka hada kujira dad aad u farabadan.

Xasan Macalin Mursal oo kamid ah dhaqaatiirta Isbitaalka Afmadow, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Isbitaalka ay kajirto dawo yari, wax taakuleyn ahna aysan helin bilihii ugu danbeeyay.

“Afartii bilood ee ugud anbeysay Isbitaalka ma helin hay’ad caawisa, ama wax taakuleyn ah” ayuu yiri Xasan Macalin , oo kamid ah dhaqaatiirta Isbitaalka Af-madow.

Isbitaalka Afmadow, ayaa waxa daryeel Caafimaad usoo doonta dad kayimid meelo badan oo gobolka katirsan, waxayna dadkaas codsanayaan in lasoo taakuleeyo Isbitaalka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here