Isbedel Weyn oo Maanta ka Jiray Waddooyinka Muqdisho (Daawo Sawirro)

Magaaalada Muqdisho oo martigalineyso doorasho Madaxweynenimo kadib inka badan 40/sano oo aysan wax doorasho ah dalka ka dhici jirin ayaa waxaa ay sanadkaan martigalineysaa doorasho muhiim ah.

Isbadal dhinacyo badan leh ayaa laga daremayaa magaaalada Muqdisho, waxaana jira loolan siyaasadeen oo aad u adag.

25-musharax ayaa u taagan madaxtinimd Soomaaliya kuwaasi oo horay xilal usoo qabtay, halka kuwo kalena ay saaxada siyaasada iminka ku cusub yihiin.

Kala jiidashada musharixiinta iyo siyaasadda kulul ayaa sababtay in magaalada ay noqoto mid aad u mashquul badan, waxaa wadooyinka magaalada kusoo badanaaya gawaarida raaxada iyo kuwa Ciidamada oo ay masuulyiin isticmaalayaan.

Waxaa aad u camirmay goobaha lagu qaxweeyo hotelada cusub iyo kuwii hore, waxaana si aad ah u sii kodhay dhismaha magaalada xiligan iyadoo si aad ah ammaanka magaalada loo adkeeyey oo ay Cidamo farabadan oo Boolis ah ay ku sugan yihiin magaalada.

Sikastaba maalinta berri ah ayaa waxaa dhacaysa doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.








 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here