Isbahaysiga Xoogagga Waddaniga ee Isbaddel-doonka Soomaaliyeed oo soo saar bayaan ku wajahan Geeddi socodka Dowlad dhisidda Soomaaliya

Xoogaga Madaniga ee Isbeddel doonka Soomalaiyeed oo ay ku mideeysan yihiin Ururro Siyaasadeed iyo Xisbiyo ay ka mid yihiin Xisbiga Nabada iyo Horumarka ee PDP iyo Xisbiga Hiilqaran ayaa maanta soo saaray bayaan cinwaan looga dhigay Geeddi socodka Dowlad dhisidda Soomaaliya.

Gudoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka Prof Xasan Sheekh Maxamuud ka hor bayaan la hadlay saxaafada ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed uu doonayo isbadel iyo hogaan wanaagsan oo wax ka badala dhaqan xumida siyaassdeed ee mudada dalka ragaadiyey.

Afhayeenka Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ee PDP Mahad Maxamed Salaad ayaa bayaanka saxaafada u aqriyey isagoo ay dhinac joogeen dhamaan saxaiixayaasha ee auy la mid ahaayeen Gudoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka PDP iyo Madaxa Siyaasada ee Xisbiga Hiilqaran Prof Axmed Ismaaciil Samatar.

I. Horudhac

Waxaan shaki ku jirin in Soomaaliya ay maanta marayso marxalad siyaasadeed, amni iyo mid bulsho oo aad u adag, iyada oo muuqaalada dhanka siyaasadda ee hadda jira ay ka mid yihiin:

A.Dhammaystirka xilliga KMG ah oo noqday xaalad siyasadeed oo nagu raagtay.

B.Mugdi iyo shaki hareeyay hannaanka lagu soo afmeerayo isbeddelka siyaasadeed ee looga baaxayo xaalada ku meel gaarka ah,

C.Saammaynta talooyinka iyo awoodda shisheeyaha oo ka baaxad weyn ka qaybgalka bulshada soomaaliyeed talada iyo go’aan ka gaarista aayahooda

Tusaalooyin cadcadna waxaa u ah sammaynta dastuurka, qaabka soo gelidda ciidamada shisheeye qaarkood, hoggaaminta iyo meel-marinta qaabka looga guurayo ku-meel-gaarnimada sida in dad ajnabi ah xubno cod leh ka noqdaan guddiyada qaabeynayo mustaqbalka dalka iyadoo la diiday in xoogagga abaabulan ee wadaniga ah ay cod iyo talo ku yeeshaan aaya ka talinta dalka Soomaaliyeed

Hadaba, xaaladahaas aynu kor ku soo xusnay ayaa keentay in uu soo saaro Isbahaysiga Xoogagga Waddaniga ee Isbaddel-doonka Soomaaliyeed qoraalkan, kaas oo xubnaha isbahaysiga u noqon doona hal-beeg ay ku hubiyaan habsami u socodka mabaaddi’da iyo ujedooyinka ay ku midoobeen, ummadda Soomaaliyeedna u noqda bidhaan iyo jiheeyn geeddisocodka lagu doonayo isbaddel siyaasadeed ee loo aayo

II. Geedi Socodka Siyaasadeed

Mabaadida Garoowe waa bilow aan dhamaystirnayn una baahin in isbedellada hoos ku qoran lagu sameeyo hadii laga doonayo in uu miradhal noqdo. Waxaan soo jeedinaynaa in isbaddellada ka dib loo bixiyo Garowe-Plus.

A. Waa arrin laga xummaado xaaladda uu ku sugan yahay baarlammaankii Soomaaliya. Taas oo ay ugu wacan tahay cahdigii KMG ahaa ee saldhigga u ahaa oo laga tallabsaday. Arrinkaasi wuxuu keenay in sharci darrida maamulka iyo siyaasadda ay ka mid noqdaan howl maalmeedka dowladnimada Soomaaliya

B. Maareynta Garowe Plus waa in ay u dhanyihiin dhammaan qaybaha kala geddisan ee bulshada Soomaaliyeed.

C. Dadka hormuudka ka noqonaya Garowe Plus: Ragga saxiixayasha la magacbaxay xaq ayey uleeyihiin inay lahaadaan damac siyaasadeed sida muwaadin kasta oo soomaaliyeed uu leeyahay, laakiinse xaq uma lahan inay maamulaan wax ka dhaxeeya ummadda Soomaaliyeed iyaga oo damac uga jiro, sidaas daraadeed waxaan soo jeedinaynaa in dadka meelmarinaya Garowe Plus ay noqdaan dad aan lahayn damac siyaasadeed (political ambition), inta lagu guda jiro xilligaan kala guurka ah.

III. Shirweynaha

Ergada Shirweynaha (Constituent Assembly) iyo shaqadooda waxaan ka soo jeedinaynaa arrimaha soo socda:

A. Iney dhaqanka iyo duubabka Soomaaliyeed oo ka madaxbannaan faragelin siyaasadeed soo xulaan ergada shirweynaha

B. Ergada shirweynaha iney noqdaan dad lagu soo xulay shruudo la isla oggolaaday, kana yimaadaan beelaha Soomaaliyeed, lana hubiyo in ay ka kooban yihiin dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida: Dhalinyarada, Culumaaudiinka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahannada, haweenka iyo qurba joogta.

C. In dhammaan muwaadininta Soomaaliyeed ay u sinnaanaadaan waajibaadka iyo xuquuqda ay kun leeyihiin ama u ku leeyahay dalka hase yeeshe duruufaha taagan awgood, in xilligaan kala guurka ah ismatalaadda iyo awood qaybsiga lagu saleeyo hab-beeleed.

D. Waxaan soo jeedineynaa informulada 4.5 lagu beddelo shan (5) beelood oo simman si loogu sii dhawaada fikirka ah muwaadiniin simman

E. Shaqada ay qabanayaan ergada shirweynaha in ay noqoto dib u habaynta Axdi qarameedka ku meel gaarka ah oo laga beddelo arrimo ay ka mid yihiin habka Federal-ka, iwm.

F. Qabyo-Qoraalka Dastuurka ee la doonayo in la meel mariyo ma ahan mid ka tarjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, loomana marin waddo sax ah samayntiisa iyo meelmarintiisaba (ansixintiisa), ogolaanshihiisana wuxuu Soomaaliya u horseedi karaa dhibaato hor leh. Sidaas daraadeed waxaan soo jeedinaynaa in dib loo dhigo inta ay ka suura gelayso in la sammeeyo dastuur dadka soomaaliyeed qaybihiisa kala gedisan ay kaalin mug leh ku yeelanayaan, lana gaarayo suurtagalnimada in afti qaran (Referendum) loo qaado ogolaanshihiisa. Intaas haddii aaney suurtagal ahayn, waxaan soo jeedineynaa in la sii isticmaalo cahdi qarameedka KMG ah oo dib u eegis lagu sammeeyay.

G. Waxaa soo jeedineynaa in la sammeeyo guddi garsoor (Arbitration Committee) oo:

1. Madax bannaan oo matala shacabka Soomaaliyeed iyo danahooda.

2. go’aan ka gaara wixii khilaaf ah ee ka yimaada beelaha dhexdooda ama beel dhexdeeda oo ku aaddan soo xulidda xubnaha Golaha Baarlamaanka ama Golaha ansixinta Dastuurka.

3. Sidoo kale, guddigani wuxuu noqonayaa geed fadhi Marjaca u ah geedi-socodka siyaasadeed loona soo celinayo wixii khilaaf ah ee soo baxa una baahda in la xaliyo.

4. Go’aannada ay gaaraan guddiga garsoorku waxay noqonayaan go’aanno kama dambays ah.

H. Tirada xubnaha Baarlamaanka cusub waa inayan ka badan 175 lagu qaybsanayo habka beeleed ku salaysan shan ( 5) beelood oo simman.

I. Muddada uu shaqaynayo Baarlammaanka cusub iney noqoto 4 Sannadood.

J. Guddiga Farsamo ee lagu soo jeediyey shirkii Gaalkacyo waxaan soo jeedineynaa in:

1. Ay xubnihiisu noqdaan rag iyo dumar magac iyo sharaf weyn ku dhex leh dadk Soomaaliyeed, laguna yaqaan sumcad wanaagsan iyo garaad dheeraad ah.

2. In xubnaha aan Soomaalida ahayn ee guddigan ka tirsanaanaya ay:

i. Ahaadaan xubna markhaati (goobjoogayaal) uun ah ee aan cod ku lahayn hawsha guddiga.

ii. Ahaadaan rag ama dumar sumcad wanaagsan ku dhex leh beesha caalamka, aqoon iyo hufnaan lagu yaqaan iyo khibrad shaqo oo oo la xiriita hawsha loo igmanayo.

3. Guddiga Farsamo shaqadoodu waa in ay ku koobnaataa oo keliya:

i. hubinta in magacyada odayaasha dhaqanku soo gudbiyeen ay waafaqsan yihiin shuruudihii loo dejiyay.

ii. Hubinta in qaybtii loogu tala galay dumarku ay ka muuqdaan liiska la soo gudbiyey.

iii. Miisaanka beelaha u dhexeeya inuu sax yahay

4. In odayaasha dhaqanku u soo gudbiyaan hal magac kursi kasta oo ay Baarlamaanka ku leeyihiin iyo qof keyd ah oo beddela haddii xildhibaan uu banneeyo booska.

5. Hadii qofka la soo gudbiyey uu dhamaystiri waayo shuruudii laga rabey, waxaa lagu celinayaa odayaashii soo magacaabay si ay waqti kooban oo loo qabtay ugu soo gudbiyaan magac cusub.

6. In xubnaha cusub ee Baarlammaanka lagu xidho shardi ah in ay dugsi sare dhameeyeen oo aan la aqbalin wax u dhigma.

IV. Nidaamka awood qaybsiga

Habka awood qaybsiga beeleed xal umma ah mushkiladda siyaasadeed ee Soomaaliya, wuxuuna ku dhisan yahay xaq darro, wuxuu keeni karaa sii kala qeybsanaan ama kala fogaansho dadka Soomaaliyeed. Hase yeeshe, waxaana inoo muuqata in aan laga baxsan Karin marxaladaan hadda lagu jiro ee kala guurka, sidaas daraadeed, waxaan soo jeedinaynaa in awood qeybsiga ama ismatalaadda hab beeleedka ku ekaato xildhibaannada Baarlammaanka oo keliya. Si dowladnimadu u guuleysato, xafiisyada ka soo hara baarlammaanka in loogu tartamo, karti, aqoon, iyo waaya aragnimo la xiriirta howsha xafiiskaas

V. Qaabka Hoggaanka

Annagoo ka duuleyno waaya aragnimadii laga dhaxlay 12 sano oo Ku Meel Gaarnimo ah iyo dhaqanka iyo waayo aragnimada dadka Soomaliyeed u leeyihiin dowladnimada, waxaan soo jeedineynaa in hoggaanka dalka laga dhigo madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen, jagada ra’iisal wasaarahane meesha laga saaro si uu dhammaado isqabqabsiga hogaanka sare ee ay ku can baxeen dowladihii isxigxigay ee KMG ahaa.

VI. Wada Hadalka Dawladda KMG & Maamulka Somaliland

A. Waxaan soo dhoweynaynaa in wada hadal lala furo maamulka ka taliya Somaliland.

B. Waxaan soo jeedinaynaa in Dawladda KMG ay dib ugu noqoto xulashada dadka hawsha wada hadalka loo xil saarayo una soo xusho dad:

1. Lagu yaqaanno Somalinimo,

2. Lagu yaqaanno Wadaninimo,

3. Lagu yaqaanno Karti, aqoon & madaxbanaani,

4. Aaminsanaanta Midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

5. Sumcad iyo sharaf ku dhex leh dadka Soomaaliyeed.

 

 

Bayaankaabn Waxaa saxiixay:

1. Xisbiga Nabadda iyo Horumarka (PDP)

2. Xisbiga HiilQaran

3. Madasha Rajo

4. Ururka Haweenka HANAD

5. Midowga Ardayda Soomaaliyeed

6. Golaha Sare ee Dhallinyarad Qaranka

7. Xarunta Horumarinta iyo Mideynta Dhallinyarada.

 

 

1 COMMENT

  1. INTA AYSAN SOO SAARIN BAYAANKANI WAXEY AHAYD INEY SHACABKA KU SOO WARGELIYAAN INEY SAMEYSTEEN IYO HESHIISKII ISBAHEYSIGA LAGU SAMEEYEY OO AY KA MUUQATO SAXIIXA MADAXA URURADA IS-BAHEYSTEY, KA DIBNA AY SOO SAARAAN WAR MURTIYEEDKOODA.

    TAN KU SAABSAN WAR-MURTIYEEDKA WAXAAN KA ORANAYAA ARRIMAHA HOOS KU QORAN:

    1) MA WAAFAQSANA SHARCIGA MAR HADDII IS-BAHEYSIGANA UUSAN AHAYN SHARCI.

    2) WUXUU AAD IYO AAD XOOGGA U SAARAYAA AWOOD QEYBSIGA SIYAASADEED, KAMANA HADLIN XAALADDA DHABTA AH EE KA JIRA SOMALIA SIDA AMNI DARRADA , DILALKA QORSHEYSAN OO AAD MOODO INUU WAAFAQSAN YAHAY RA’YIGA ISBAHEYSIGA OO AH ” HADDII AADAN NAGU RAACIN ARAGTIDEYNA SIYAASADEED WAA LAGU KHAARIJIN” TAASNA WAA DEMBI LAGA GALAAYO DIMOQRAADIYADDA, DIINTA IYO BANII’AADAMNIMADA.

    3) IS-BAHEYSIGAAN WAXAAD MOODAA INEY AHAAYEEN HAL KOOX OO IS-BADISEY, KA DIBNA IS-BAHEYSI SAMEYSATEY, WAXEYNA KU MIDEYSAN YIHIIN INEEY DIIDAAN NIDAAMKA FEDERAALIGA AH SI AY AWOODDA SIYAASADEED UGA DHIGAAN MID HAL GACAN KU JIRTA KA DIBNA LAGU TAKRI FALO HANTIDA IYO SIYAASADDA QARANKA, TAASNA MARNABA MA DHACEYSO.

    4) IS-BAHEYSIGANI WUXUU HOR-DHACEY SIYAASADDA DALKA MAXAA YEELEY WELI LAMA GAARIN WAQTIGII AXSAABTA SIYAASDEED AY KA HAWL GELI LAHAAYEEN DALKA, LAMANA DIIWAAN GELININ, TAASNA WAA FUDEYD IYO AQOON DARRO KA MUUQATA MADAXDA IS-BAHEYSIGA.

    5) TAN KU SAABSAN DASTUURKA UMA ARAGNO INUU KHATAR KU YAHAY DANAHA SOMALIYED, DIINTANA KUMA AHAN WAX UU BEDDELI KARO EE WAA QAAB XEEREED OO LAGU HAGAAYO SIYAASADDA FOG EE AY SOMALIA WAX KU QEYBSAN KARTO, HADDII GAAL LAGU NOQONAAYO DASTUUR OO AAN LAGU GAALOOBEYNIN DHIIGGA ISLAAMKA, KUFSIGA, DHACA IYO BARAKICINTA HADEE WAA ARRIN U TAALO IS-BAHEYSIGA IYO KUWA CULIMADA SHEEGTEY INEY IS-WEYDIIYAAN OO KA JAWAABAAN.

    HADDII JAWAABTOODA AY NOQOTO ” HAA ” MARKA WAXAA GAAL NOQONAAYA MASAR, TUNISIYA, JORDAN, CIRAAQ SUURIYA, PAKISTAAN , AFGHANISTAAN , INDONESIYA, MALEESIYA IYO INTA KALE OO AH UMMAD MUSLIMIIN AH.

Comments are closed.