Isbadalka Cimilada Dunida oo la ogaaday ineey sabab u ahaayeen abaartii 2011 ku dhufatay Soomaaliya

Koox seynisyahano ah una dhashay dalka Britain oo dhanka saadaasha Cimilada ku xeeldheer ayaa soo ogaaday in isbadalka dhanka Cimilada wadanka Soomaaliyaoo ay u dhereyd roob la’aan ay sababtay sanadkii 2011, gudaha wadanka Soomaaliya ay ku geeriyoodaan 10,000 oo qof qiyaastii.

Baaritaanka kooxdan ayaa waxaa lagu saleeyay heerka ay ahayd Cimilada hawada wadanka Soomaaliya iyo wadamada dhaca bariga Afrika, intii u dhaxeysay sanadkii 2010-2011-kii.

Peter Stott, oo kamid ah xafiiska hay’ada Cimilada ee wadanka Britain aya sheegay in sanadkii 2011, ay saameyn ku yeelatay qaar kamid ah gobolada wadanka Soomaaliya, roobkii xligaasi lafilayay in uusan di’in.

Xukuumada Britain, ayaa waxa ay qiyaastay 100,000 ilaa 50,000 oo qof in ay baahi awgeed ugu geeriyoodeen bariga qarada Afrika, oo ay Soomaaliyana dhacdo, arintaasoo loo sababeeyay abaar xoogan oo bariga Afrika ku dhufatay.

Agaasimaha hay’ada Oxfam, ee Soomaaliya ninka lagu magacaabo Senait Gebregziabher, ayaa ayaa sheegay in abaarihii qaar kamid ah gobolada wadanka Soomaaliya ku dhuftay, ay ka dhasheen dhanka isbadalka cimilada aawgii.

Senait Gebregziabher, ayaa tilmaamay in isbadalkaasi uusan saameyn ku yeelan doonin dhanka mustaqbalka, balse waxa uu muujiyay inuu yahay mid sare uqaadaya heerka baahida ay shacabka Soomaaliyeed ugu baahanyihiin waxyaabaha beni’aadanaimada looga saacido.

Senait Gebregziabher, ayaa sidoo kale muujiyay in shabaabka ka dagaalama gudaha Soomaaliya, ay diideen in dadka qaarkood ee baahida haysay in goobahooda loogu geeyo gargaar.

Sanadkii 2011-kii QM ayaa shaacisay in 6 gobol oo kamid ah gobolada dhaca Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya in ay macluul kadilaacday, arintaasoo sababtay in ay gaajo xoogan kadilaacdo Soomaaliya, dad farabadana ugu geeriyoodaan.

Dalal ay kamid yihiin Somaliya, Kenya iyo Ethiopia, ayay saameysay abaartaas.

Abaartii 2011, kadhacday Soomaaliya waxaa lagu qiyaasay tii ugu adkeyd ee dunida soo martay, mudo 60 sano ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here