Is rasaaseyn ay dad ku dhinteen oo ka dhacday magaalada Muqdisho

Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku geeriyootay kadib markii israsaaseyn ay ka dhacday meel aan ka dheereyn xarunta dambi baarista ee magaalada Muqdisho.

Is rasaaseyntan ayaa la sheegay in ay dhex martay ciidamada ilaalada ka ah xarunta dambi baarista ee CID  iyo dad saarnaa gaari yar.

Is rasaaseyntan ayaa la sheegay in ay bilaabatay kadib markii dad saarnaa gaari yar oo marayay wadada hormarta xarunta dambi baarista ay rasaas ku fureen ilaalada xarunta dambi baarista.

Hase yeeshee rasaastaa ayaa waxaa mid kale ugaga jawaabay ilaalada xarunta dambi baarista.

Waxaana israsaaseyntan ay sababtay inay geeriyoodaan saddex ruux oo mid mid kamid ah ay ahayd ruux dumar ah.

Lama oga illaa iyo hadda waxyeelada ka soo gaartay dhinacyadii isku rasaaseeyey afaafka hore ee CIDda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here