Is aragga labaad ee tartanka Xiddigaha oo Billowday

Waxaa galabta oo Sabti ah, billowday is-aragga labaad ee tartanka xiddigaha ee ka socda garoonka Jaamacadda ee magaalada Muqdisho.

Tartankan ayaa waxaa ka qaybgalaya ilaa 6 koox oo laga soo kala xulay heerarka koobaad iyo labaad ee horiyaalka dalka.

Tartanka xiddigaha oo xamaasad iyo xiiso watta, ayaa wuxuu furmay Isniinti horre, waxaana dhammaan kooxaha ka qaybgalaya ay yeesheen min hal is wada-arag ah .

Waxaa ciyaartii ugu dambeesay ee is-aragga hore khamiistii wada yeeshay kooxaha Global Hotel iyo Liido Sea Food Restaurant taas oo 2-1 ku badisay kooxda Global Hotel.

Si kastaba,kooxaha City Palace Hotel iyo Jazeera Palace Hotel ayaa shalay barbardhac 1-1 ah isla dhaafi waayay, iyadoo cayaartii furitaanka kooxda E-Maal Nationlink 3-2 kaga badisay kooxda Sign-Jet.

Galabta waxaa ciyaaray kooxaha Jazeera Palace Hotel iyo E-Maal Nationlink. Sidoo kale waxaa iyana wada ciyaaray Signjet iyo Global Hotel, halka galabta oo Sabtida ay wada ciyaareen  kooxaha Liido Sea Food iyo City Palace Hotel.

Tartankan oo ay soo qaban qaabiyeen xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa laga doonayaa in laga soo xulo ciyaartoydii matali laheyd xulka qaranka Soomaaliya tartamada caalamiga ah ee mustaqbalka dhow.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here