Inter oo shaqada ka eriday macalin Ranieri

Kooxda Inter Milan ee dalka Talyaaniga ayaa eriday tababarahoodii Claudio Ranieri iyaga oo si KMG ah xilkaasi u magacaabay macalinka kooxda dhalinyrada Inter ee Andrea Stramaccioni kaasi oo kooxda hogaamin doona inta ka harsan xilli ciyaareedka.

Bayaan kasoo baxay Inter ayaa lagu sheegay gudoomiyaha kooxda Massimo Moratti iyo qof walba oo naadiga ka tirsan ay wanaag u rajeynayaan macalin Claudio Ranieri iyo kaaliyaashiisii.

“Kooxda F.C. Internazionale waxay jeclaan laheyd in ay ku war geliso Andrea Stramaccioni – oo ah macalinka kooxda dhalinyarada dhawaana qaaday koobka kooxaha naadiyada dhalinyarada Yurub ee NextGen Series inuu si KMG ah u leylin doono kooxda”. ayaa lagu yiri bayaanka.

Ranieri ayaa ku biiray Inter kooxda ka dhisan garoonka San Siro bishi September ee sanadki hore kadib marki booskan laga ceyriyey Gian Piero Gasperini xiligasi waxa uu kooxda gaarsiiyey guulo isaga oo kasoo qaaday kaalinta 17-aad oo ay ku jirtay iminkana keeny kaalinta todobaad.

Laakin dhib ayaa kusoo fatahay marki uu badin waayey sagaalki kulan ee ugu danbeysay taasi oo shaki galisay mustaqbalka kooxda Inter ee xilli ciyaareedka danbe in ay gaari doonto tartamada Yurub iyo in kale.

Inter hada rajo buuran kama qabto in ay ka ciyaarto kooxda Champions League waxaana iminka ay la dagaalameysaa koobka Europa League sidi ay u xiran laheyd kaalintiisii.

Inter ayaa haatan baadi goob ugu jirto tababarayaal cusub, waxaa liiska ku jiro macalimiinta kala ah Andre Villas-Boas tababrihi hore ee Chelsea, macalinka kooxda Napoli Walter Mazzarri iyo tababaraha kooxda Udinese Francesco Guidolin.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.