Inter Milan oo laga iibiyay mulkiile u dhashay dalka Indonesia

318365_heroaSida uu baahiyay shaley wargeyska Coreirra-della-Sports,waxaa ,la iibiyay kooxda Inter Milan oo ka mid ah heerka koobaad ee dalka Talyaaniga.

Wargeyska oo soo xiganaya madaxweynaha kooxda Inter Milan, Massimo Moratti ayaa shaaciyay in kooxda laga iibiyay ganacsato u dhashay dalka Indonesia.

Ganacsadahan oo lagu magacaabo Erick Thohir ayaa la sheegay in uu iibsanaayo70% milkiyadda kooxda Inter Mil.

Wargeyska aan ka soo xiganay warkan ayaa leh Mr. Moratti in uu kusii jiri doono guddiga sare ee kooxda Inter Milan.

Si kastaba, Mr. Thohir ayaa qeyb ku leh milkiyadda kooxo ka dhisan Mareykanka oo ciyaarta kubbadda cagta iyo kubbadda kolayga.

Kooxda Inter Milan ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku xaqiijisay heshiiska ay ganacsatadan kula wareegayaan lahaanshiyaha kooxda 70%.

Massimo Moratti ayaa ahaa madaxweynaha Inter tan iyo sanadkii 1995-kii, waxaana kooxda lagu leeyahay deen lacageed gaareysa 300 oo milyan oo Yuuro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here