Inter Milan: ‘Nemanja Vidic wuxuu kooxda keenaya khibrad’

Inter Milan: 'Nemanja Vidic wuxuu kooxda keenaya khibrad'
Inter Milan: ‘Nemanja Vidic wuxuu kooxda keenaya khibrad’

Madaxweynaha Inter Milan, Erick Thohir ayaa amaanay Nemanja Vidic oo lagu wado in uu u wareego dalka Talyaaniga isagoona ku biiraya kooxda Inter Milan.

Wuxuu ku tilmaamay kabtankii horre Manchester United cayaaryahan khibrad ay ka buuxdo.

Vidic ayaa toddobaadkan heshiis la gaaray kooxda Talyaaniga, waxaana ay u badan tahay in uu u wareego Inter Milan 90%.

Isgaoo la hadlaayay bogga Goal.com ,ayuu sheegay Vidic in uu yahay cayaaryahan door muhiim la soo qaatay kooxda Manchester United intii uu joogay.

Vidic ayaa shaaciyay horaantii bishan in uu ka tagi doono garoonka Old Trafford marka uu dhammaado xilli cayaareedka hadda socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here