Inter & Juventus oo ku loolamaya saxiixa Darmian

matteo-darmianKooxaha ka wada dhisan Talyaaniga ee Inter Milan iyo Juventus, ayaa lagu soo waramayaa ineey si ba’an isugu hayaan saxiixa Dambeedka Midig Manchester United Matteo Darmian.

Kooxda Juventus ayaa u muuqata mid si aad ah u dooneysa Saxiixa Darmian, maadaama uu ka dhaawacmay Dambeedkooda Midig Dani Alves, kaasoo mudo dheer Garoomada ka maqnaan Doona.

Balse kooxda Inter Milan oo dhawaan ay la wareegeen maalqabeeno kasoo jeeda Dalka China, ayaa iyagana qorshahooda ku darsaday Saxiixa Darmian, kaasoo aan boos joogto ahayn ka haysta Manchester United.

By Rashka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here