Inter & Juventus oo isku haysta Moussa Sissoko

article-2452712-1be15ff2000005dc-739_634x408Naadiyada Inter Milan iyo Juventus ayaa sida lasoo werinayo cagta cagta u saaraya Moussa Sissoko, kaasoo haatan aan ka mid ahayn safka 1-aad ee Tottenham Hotspur.

Sida uu qorayo Corriere dello Sport, Juve iyo Inter ayaa daaqadda u taagan Sissoko, kaasoo aan Tottenham u safanin tan iyo 22-kii Oktoober 22, markaasoo uu ganaax 3 kulan ah ku mutaystay hab-dhaqan aan isboortiga waafaqsanayn kulankii Bournemouth.

Laacibkii hore ee Newcastle United khadka dhexe uga dheeli jirey ayaa soo noqday kulamadii West Ham United iyo Chelsea, yeelkeede macallinka Mauricio Pochettino ayaa ka ilduufay labadaa kulanba.

By Rashka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here