Intee ayuu marayaa tartanka kubadda kolayga ee gabdhaha gobalka Banaadir?

Magaalada Muqdisho waxaa toddobaadkan ka furmay tartanka kubadda kolayga ee gabdhaha gobalka Banaadir, kaasoo ay ka qaybgalayaan ilaa siddeed koox.

Haddaba tartankan waxaa ilaa hadda u soo gudbay seddax koox halka seddax kalena ay ka harayn.

Kooxaha u soo gudbay waxaa ka mid ah: Waaberi , Boondheere iyo Wadajir.

Kooxaha ka haray waxa ay kala yihiin: Xamarweyne, Cabdicasiis, Deyniile

Tartanka ayaa ahaa kooxda laga badiyo mid ay ka hareyso.

Galabta ayaa la ogaan doonaa kooxda ku soo biirta seddaxda koox ee hadda u soo baxay wareega labaad.

Waxaana galabta isku arki doona tartanka kooxaha Hodan iyo Shibis.

Tartankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka cayaaraha ee gobalka Banaadir, waxaana looga gun lee yahay siddee loo heli lahaa cayaartoy gabdho ah oo ka qaybgala tartamada caalamiga.

Waa markii ugu horreysay oo tartan noocan oo kale lagu qabto magaalada Muqdisho tan iyo sannadkii 1991-dii.