Inkabadan 90 tahriibayaal Soomaali ah ayaa laga soo badbaadiyay Badda Mediterranean

Ciidamada Xeebaha badda talyaaniga ayaa soo badbaadiyay 90 soomaali ah oo ku go’doonsanaa badweynta Mediterranean-ka.

Qaarkamdi ah dadkan lasoo badbaadiyay oo bbc-da wareeysi siiyay ayaa waxay sheegeen in matoorka doonti ay saarnaayeen uu istaagay isla markaasna uu ka go’ay saad wixii ay wateen.

Tahriibayaashan ayaa waxay sheegeen ineey kasoo dhaqaaqeen caasimadda liibiya ee Tripoli, ayna usoo socdeen xeebaha talyaaniga si ay ugaaraan qaar kamid ah dalalka EUROPA.

Soo badbaadinta tahriibayaashan ayaa waxaa iska kaashaday ciidamada xeebaha talyaaniga iyo Libya.

Bishii hore ee sanadkaan waxaa xeebaha talyaaniga iyo liibiya udhaxeeya ku dhintay 54 soomaali ah kadib markii ay isku dayeen ineey udabaashaan xeebta talyaaniga oo aad uga fogeyd kagadaal markii ay ka halaawday dooni ay saarnaayeen.

Cabdi amiin cumar oo ahaa wadihii donta ay saarnaayeen 54 qof ee soomaalida ah ayaa bbc-da usheegay in ay soomareen waqti halis ah qatarna ay galeen,

“Afar maalin kahor ayaa nagala soo saaray badda mana garaneyno meesha aan hada kuwajahanahay iyo meesha aan kusuganahay, kaliya waxaan xasuusanaa oo wali nahortaagan mugdigii badda” sidaa waxaa BBC-da usheegay mid kamid ah dadkii lasoo badbaadiyay.

Dadka lasoo badbaadiyay ayaa waxaa kujira dad qaba dhaawacyo halis ah sidookale waxaa kujira haween uur leh.

Tahriibayaashan ayaa dhowr mar isku dayay ineey taleefanka thuraayaha kula soo xiriiraan saraakiisha talyaaniga iyo liibiya balse nasiib xumo waxaa ka damay batariga.

Soomaali badan ayaa ku maqan badda Mediterranean ee udhaxeysa liibiya iyo Italy.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here