Inkabadan 10 ruux oo Cudurka Jadeecada ugu geeriyooday Gobolka Bay

jdInta la og yahay 12 ruux oo iskugu jiray Carruur iyo dad waa weyn ayaa cudurka Jadeecada ugu geeriyootay deegaano hoostaga Gobolka Bay.

Marka koowaad ayaa cudurka waxa lagu arkay isagoo dadka soo ridanayey Deegaanka Dajiile isagoo markii dambe ugudbay dhinaca iyo Degmada Bardaale ee isla Gobolka Bay sida ay xaqiijiyeen dhakhaatiirta ka howlgasha Deegaankaasi.

Dadka dhintay marka laga soo tago waxa kaloo jira dad kor udhaafaya 40 ruux ay ujiifaan Cudurkaasi Tuulooyin hoostaga Degmada Bardaale ee Gobolka Bay.

C/llaahi Xasan Cali oo ka mid ah Dhakhaatiirta ka howlgasha Xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Bardaale ayaa sheegay inay la tacaalayaan oo ay dawooyin siinayaan dadka Jadeecada soo ridatay oo carruur iyo dad waayeel u badan.

Maamulka Dawlada ee Gobolka Bay iyo Kan Maamulka K/Galbeed Soomaliya ayaan weli wax war ah kasoo saarin ama gurmad ay siinayaan dadka cudurka Jadeecada kusoo ritay qeybo katirsan Gobolka Bay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here