Inkaarta Barcelona ka haysata Anoeta oo 10-sano jirsatay

barca-900x450-1Kooxda Barcelona ayaa markale rikoor xun kasoo hoysay Garoonka kooxda Real Socidad ee Anoeta Stadium, kadib markii ay xalay Barbaro kusoo galeen.

Barcelona oo Goolka looga hormaray, ayaa waxaa usoo barbareeyay xidigooda ay ku dhaartaan ee Lionel Messi. Barca ayaa qeybtii hore u muuqatay mid huruda waxaana ay ka badbaadeen dhowr fursadood oo Gool loo filan karay.

Kooxda martida ee Catalan ayaa qaybtii horee ee kulankan ahayd mid la burburiyay oo cagta la mariyey, laakiin Willian iyo Messi ayaa lix daqiiqo gudahood labada gool isugu jawaabay.

Barcelona ayaaa kooxda Real Socied marti ugu ahayd garoonka Anoeta Stadium oo ayna muddo toban sano ah guul ku soo gaadhin waxayna guushii ugu danbaysay ee ay Barcelona ku soo gaadhay Anoeta Stadium ay ahayd xili ciyaareedkii 2006/2007 kii markaas oo ay Barca 2:0 guusheedii ugu danbaysay ka soo gaadhay Real Sociedad, laakiin tan iyo markaas wixii ka danbeeyay koox kasta oo Barca ah oo booqatay Anoeta ayaa guuldaro ama babraro la soo laabtay.

Halkan ka eeg sawirka kooxdii Barcelona ee guushii ugu danbaysay Real Sociedad ka soo gaadhay .Waxaana kooxdaas hadda ka sii jooga Lionel Messi iyo Andres Iniesta oo kulankan seegay isla markaana dhaawac ka soo kabsanaya.

cyspmvvxcaevjoh

Kooxda Real Sociedad ayaa sidoo looga bartay qaab ciyaareed cajiib ah kala hor timid kooxda martida u ahayd ee Barcelona waxayna kooxda Luis Enrique qaybtii h–e ee kulankani u ahayd mid dhibaato badan isla markaana ay xaaladu kala duwani saamayn ku lahaayeen. Jordi Alba iyo Gerard Pique ayaa walwal wayn ku abuuray Luis Enrique kadib markii ay jugo xoogani soo gaadheen qaybtii h–e ee kulankan balse waxay daawayn kadib sii wateen iyaga oo xanuun dareemaya.

By Rashka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here