Iniesta Waan ooyey markii Valdes uu baxay

Iniesta: Waan ooyey markii Valdes uu baxay
Iniesta: Waan ooyey markii Valdes uu baxay

Xidigga qadka dhexe kooxda Barcelona,Andres Iniesta ayaa qiray in uu ka xumaaday markii uu maqlay Victor Valdes in uu ka tagaayo kooxda xaggaaga soo socda.

Goolhayahan,oo ahaa lambarka koobaad ee kooxda ka dhisan Camp Nou 12 xilli cayaareed ee la soo dhaafay, ayaa shaaciyay bishii Mayin uusan kordhin doonin heshiiskiisa oo dhacaya 2014.

Iniesta ayaa shegay in kooxda uu macalinka uu yahay  Gerardo Martino ay dhabar ku noqon dooto ka tagida goolhaye Valdes.

“Shaki kuma jirto waan ooyay markii Valdes leaves uu naga tagay,” ayuu yiri 29-jirkan oo la hadlay warbaahinta.

“Kooxda Barca ee uu macalinka u yahay Tata aad ayey u xooganeen, waa qof wanaagsan oo kubadda cagta aad wax uga yaqaana, waxaan dareemayaa in arrintan ay wax yeelo gaarsiin kartol.”

Cayaaryahanka reer Spain, ayaa dhawaanahan la sheegayay in uu saxiixi doono heshiis cusub oo ku aadan in uu la sii joogi doono Barcelona ilaa 2018.

Iniesta ayaa sidoo kale ka digay hadallo aan fiicneen oo ay saxaafadda isku mariyeen Lionel Messi iyo madaxweyne ku xigeenka kooxda  Javier Faus wuxuuuna taageeray cayaaryahanka reer Argentine inuu ku guuleesan doono abaalmarinta Ballon d’Or marka la gaaro bisha January.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here