Iniesta oo aaminsan in Barcelona ay wali tahay koox isbadal ku immaan

Xidigga reer Spain ayaa sheegay hoggaamiyaasha horiyaalka Liga, in uusan wali ku immaan isbadal buuran oo la sheegi karo, markii dhawaan 7-gool laga dhaliyay kooxda Barca, tartanka kooxaha qaarada Yurub.

Andres Iniesta ayaa sidoo kale ka digtay qaab ciyaareedka kooxda Barcelona, gaar ahaan xilli ciyaareedkan, waayo wuxuu lee yahay waa ay isdhigatay.

Hadal aan ka duwaneen Iniesta waxaa aaminsan Pique, wuxuu lee yahay waa kooxda Blaugrana lagu sameeyo dib u habeen xoggan , si buu yiri kooxda ay u soo ceshato cududii ay ku lahayd tartanka kooxaha qaaradda Yurub Champions League.

Iniesta ayaa aaminsan in kooxda Bayern Munich wax badan sameen sida uu hadalka u dhigay.

“Marka ciyaartoyda aad la hadleysid waa in aad heshaa isbadal, waa sidaas waxa aan dhammeenteen ku taameyno, si loo helo isbal fiican, arrintaas annaga ayey gacan naga siineysaa,” Iniesta ayaa sidaas laga soo xigtay isagoo la hadlaayay Website-ka kooxda Axadii shaley.

“Waxaan hubaa in kooxda awoodeeda uu isbadal ku immaan doono koobadan badanna ay ku guuleesan doonto sannadka na soo aadan.” ayuu yiri Iniesta.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ayaa si wayn u ammaanay Lionel Messi, kaddib markii uu dhaliyay labo ka mid ah goolal afar ay ku baabi’yeen kooxda Betis Axadii shaley horiyaalka Spain.

Missi ayaa dhaliyay 46-gool xilli ciyaareedkan waxaana ku jira 31-gool oo ka dhaliyay horiyaalka dalka Spain.

Iniesta wuxuu hoosta ka xariiqay Messi in uu yahay xidig ay ku tiirsan tahay kooxda Barca “Shaki kuma jiro in uu yahay Messi xidig aan ku ‘tiirsanahay, maxaa yeelay waa ciyaaryahan laf dhabar ah, arrintaas waa wax kooxda oo dhan ay u arkaan wanaag.ayuu yiri.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com 

midnimo12@googlemail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here