Ingiriiska oo taageeray shirka dib u habeynta Garsoorka Soomaaliya

Doowlada Britain, ayaa si diiran usoo dhaweysay shirka dib u habeynta Garsoorka Soomaaliya, ee 5-tii maalin ee lasoo dhaafay ka soconayay magaalada Muqdisho, kaasoo maanta lasoo gaba gabeeyay.

Safiir ku xigeenka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Mark Breyson-Richardson oo maanta saxaafada shir jaraaid ugu qabtay Xarunta uu ka socdo Shirweynaha Qaran ee Dib u habeynta Garsoorka ayaa soo dhaweeyay sida uu usocdo Shirka oo lagu casuumay dhinacyada ka shaqeeya arrimaha garsoorka iyo Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.

Safiir ku xigeenka ayaa xusay inay Dowladda Uk ka go’antahay inay sii wado taageerada ay siinayso Somalia maadaama ay muddo dheer ka shaqeynaysay arrimaha caddaaladda iyo garsoorka.

Dhinaca kale, munaasabad lagu soo gebagebeynayo shirweynaha Qaran ee dib u habeynta Garsoorka Dalka ayaa ka soconaysa magaalada Muqdisho.

Munaasabadda gebagebada ayaa waxey ka soconaysaa Hotelka Al-Jazeera ee magaalada Muqdisho oo shirka uu ka socday Afartii cisho ee aynu kasoo gudubnay.

Gebagebada shirweynaha ayaa waxaa la filayaa in dhinacyada ka qeybgalay ay soo saaraan warmurtiyeed ay ku qeexanyihiin go’aannadii shirka kasoo baxay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah usoo xeri doona shirweynahan qaran ee dib u habeynta garsoorka ayadoo Madaxweynahana uu gebagebada ka jeedin doono khudbad

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here