Ingiriiska oo Soomaaliya u tababaraya ciidamo ladagaalama Burcad-badeeda

Wasaarada kaluulamaysiga iyo qayraadka bada ee dowlada Soomaaliya aya sheegatay in taba bar la siinayo ciidamo gaar ah oo la dagaalama kooxaha burcad badeeda Soomaaliya.

Wasiirka wasaarada kaluumeysiga iyo qeyraadka badda Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Sheikh Ibraahim ayaa sheegay inay hishiisyo lasoo saxiixdeen Dowlada Ingiriiska, kaasi oo ku aadan in ciidamo loo taba baro Soomaaliya.

Wasiirka wuxuu sheegay in dowlada Ingiriiska ay kala saxiixdeen sidii tababar ay ugu sameyn laheyd ku dhawaad 400 oo askari kuwaasi oo la dagaalamaya kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Sidoo kale wasiirka ayaa wuxuu intaasi uu ku sii daray hadalkiisa in mudooyinkii ugu danbeeyay ay yaraadeen weerarada kooxaha burcad badeeda Soomaaliya ay ku ugaarsadaan gaadiid badeedka.

Soomaaliya malaha ciidamo wanaagsan oo xaga bada ah oo la dagaalama kooxaha burcad badeeda oo dhibaato badan ku haaya badaha Soomaaliya.

Burcad badeeda Soomaaliya ayaa waxay noqdeen kuwo loo caal waayay oo dhibaato badan ku haaya gaadiidka isticmaala badaha Soomaaliya iyo kuwa u dhow, waxaana haatan xeebaha Soomaaliya ku sugan maraakiib badan oo u jooga la dalaanaka waxa loogu yeero burcad badeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here