Ingiriiska oo digniin u jeediyay muwaadintiisa ku sugan Nigeria

Dowladda Ingiriiska ayaa war ay soo saartay waxa ay  muwaadiniinteeda uga digtay in ay u safraan dalka ku yaalla galbeedka Africa ee Nigeria.

Wasaaradda arrimaha dibedda Britain ayaa digniin u dirtay muwaadiniinta ka jooga dalka Nigeria kaddib markii la helay cabsi la xiriirta in la bartil maameesto.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ayaa lagu sheegay in ay jiraan kooxo xiriir la leh Al-Qaacida gaar ahaan kooxda Boko Xaraam in ay dooneyso weerraro ama afduub in ay kula kacaan muwaadiniinta joogta Nigeria gaar ahaan waqooyoga,

Warka waxa intaas lagu daray in digniintan ay soo baxday kaddib markii Boko Xaraam ay Internet-ka soo galiyay hanjabaad.

Sida lagu sheegay warka qoraalka meelaha sida wayn loo caleemaayay waxa ka mid ah gobalada Kaduna, Kano, Jigawa iyo Katsina.

Meelaha kale ee laga digay waxa ku jirta Gobalada Bauchi State iyo Okene city oo ku yaalla koonfurta halkaasoo bishii la soo dhaafay ay soo weerrareen ciidamada Nigeria, waxa ay ku dhowyihiin soohdinta dalka Mali.

Dalka Maali ee ku yaalla galbeedka Africa ayaa dhul badan waxaa gacanta ku dhingay kooxo xiriir la leh Al-Qaacida, kuwaasoo baab’iyay dhismooyin dhowr qarni ku yaalay dalka sida ay lee dahay dowladda Maali.

Dalkaas waxaa hadda ku sugan ciidamo ka socda dalka Fransiiska kuwaasoo dagaallo la galay kooxahaas, waxana dib looga qabasaday dhul badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here