Indian Ocian Star maqaayad ay ka maqsuudeen dalxiisayaasha Xeebta Liido (Cod iyo Sawiro)

Xeebta Liido oo ay Khamiis iyo Jimco walbaa u dalxiis tagaan kumanaan ruux oo isugu jira Soomaali iyo Ajnabi ayaa waxa si weyn uga shaqeeya maqaayad ku caanbaxday raashin kuwa bada.

Maqaayadan oo lagu magacaabo Indian Ocean Star ayaa waxa ay isugu jirtaa baar iyo goob lagu cabaayo shaaha, qaxwada iyo kafeega, waxaana ay qaabishaa dad aad u fara badan oo qaar isula socda siyasiyiin, oday dhaqameedyo,qoys, lamaane, saaxib iyo dad si dhalinyaranimo isugu balansada xeebta Liido.

Agaasimaha maqaayadan Siid Cumar ayaa oo uu wareystay wariyaheena Sami Cadow ayaa  sheegay in furitaanikan maqaayadan ay ka danbeysay kadib marki ay arkeen baahi ay dadka dalxiisayaasha Xeebta Liido iyo kuwa u damaashaadka tago ay u qabeen taasi oo ay dabooleen.

Adeegyada iyo raashinka ay sameeyaan ayaa waxaa ka mid ah Kaluunka oo siyaabo kala duwan loo sameeyo, hilibka dheylaha, baastada, bariish iyo cunooyin fudud.

Hadaba halkaan ka dhageyso wareysi aan la yeelanay maamulaha baarka.
[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2012/06/wareysiindianocein.mp3″]

Maqaayadaan ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah kuwa ugu qaalisan sababtoo ah waxa wax ka cuna dad inta badan ka yimid qurbaha, madaxda iyo ajaanibta, dadka caadiga ah ee ku nool Muqdisho qaar dhif ah ayaa maalmaha Jimcaha isku biimeeya oo iyagoo asxaab camal isula socda ka qadeeya.


Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com 

3 COMMENTS

  1. Asc dhaman umada soomaaliyed meel walbo oo ay joogan waxaa rajeynaa wadanka sidaas iyo si ka fiican in ilaah nooga dhigo waxaa dhahayaa walaalaha soomalida isu tanaasula mahadsanhdiin

  2. taas badalkeeda waxay u dhigantahay nabad galyada ka jirta somalia hada iyo hormarka ka socda wadankeena marka waa wax lagu farxo guulna noo ah hadii aan nahay somali

Comments are closed.