India: Burcad Badeed Soomaali ah oo xukuno dil ah lagu riday+Sawiro

xukun-dil-soomaali-indiaWarbaahinta dalka Hindiya ayaa wax ka qortay 119 Soomaali ah oo loo haysto budhcad-badeed kuwaas oo ku xidhan dalka Hindiya ka dib markii ay ciidamada dalkaasi afar hawlgal ku soo qabqabteen intii u dhexeysay sannadihii 2011 illaa 2012.

Maxkamad ku taala magaalada Mumbai ee India ayaa dil ku xukuntay 50 Soomaali ah, kuwaasoo ka mid ahaa 119 qof oo laga qabtay xeebaha ka baxsan Soomaaliya isla markaana lagu eedeeyay inay ahaayeen burcad badeed.

xukun-dil-soomaali-india-3

Warbaahinta dalka Hindiya ayaa daabacday in qaar ka mida eedaysanayaashani ay qirteen dhammaan eedihii loo haystay.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa sheegtay inay u qabteen garyaqaan u doodaya eedaysanayaasha Soomaalida ah ee loo haysto falalka budhcadbadeedda, waxayna safaaraddu sheegtay in marka xukunku dhaco inay ku dedaalayaan sidii ay uga shaqayn lahaayeen in dib loogu celiyo dalka Soomaaliya.

xukun-dil-soomaali-india-5 xukun-dil-soomaali-india-6

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here