In ka badan 90 ruux oo ku dhimaray qarax maanta ka dhacay Yemen

In ka badan 90 ruux ayaa ku geeriyootay boqolaal kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib marki qof naftii hure ah uu isku qarxiyey ciidamo aad u badan oo dhoola tus ku sameynayeycaasimada dalka Yemen ee Sanca.

Saraakiil ka tirsan wasaarada difaaca Yemen ayaa xaqiijiyey in dhimashada ay haatan mareyso 90 ruux isla markaana laga yaabo in ay kasii badato, halka dhaawaca laga buuxiyey isbitaalada Sanca.

Gacan ku dhiiglaha sababsaday dhimashada dadkaasi tirada badan ayaa la sheegay inuu xirnaa dareeska ciidanka, waxaana uu isku qarxiyey bartamaha xeyn ciidamo ah oo aad ugu dhawaa xarunta madaxtooda.

Weerarkaasi waxaa sheegtay Al-Qaeda, waxaana ay ku tilmaantay mid loo baahnaa in lagu naafeeyo dowlada cusub ee Yemen oo ay ku sifiyeen mid daba dhilif u ah Mareykanka.

Qaraxa ayaa ahaa kii ugu dhiig daadashada badnaa ee ka dhaca Yemen tan iyo inti uu xafiiska la wareegay madaxweyne Abdrabbuh Mansour Hadi bishii February.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.