In ka badan 150-haween oo maanta Muqdisho loogu qabtay siminaar looga hadlayay ammaanka iyo xasiloonida + Sawiro

Hey’adda Midowga Dhalinyarada Soomaaliyed ayaa maanta Magaalada Muqdisho ugu qabatay in ka badan 150-haween ka socday Ururada Haweenka ayaa maanta loogu qabtay siminaar looga hadlayay Ammaanka iyo Xasiloonida sida xilligan uga qeyb qaadan karaan, bulshada soomaaliyedna ugu horseedi karaan.

Siminaarkan oo halku dhigiisa ahaa dhiira gelinta nabada, ammaanka iyo xasiloonida ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiinta Gudiga Haweenak ee UYS.

Gudoomiyaha degmada Wardhiigley Deeqa C/qaadir Axmed ayaa sheegtay in lagama maarmaan ay tahay in bulshada xilligan ka qeyb qaataan wacyi gelinta, si loo helo nabad iyo kala dambeyn, iyadoo xustay in dadaalada socda loo baahan yahay in bulshada ay door muuqda ka qaataan.

Waxaa ay sheegtay in sida lagu heli karo amni iyo xasilooni ay tahay in bulshada ay kala shaqeeyaan Ciidamada ammaanka, sidii kuwa falalka amni dari ku howlan ay soo sheegaan, lana shaqeeyaan Ciidamada nabad sugida, si la isaga kaashado ka hortaga falalka qaraxyada.

Xaawo Kiin oo ka mid ah Gudiga Haweenka ee UYS ayaa sheegtay in farqi weyn uu u dhaxeeyo markii Hey’adda UYS ay bilaabeysay howlaha wacyi gelinta iyo siminaarada iyo xilligan, iyadoo cadeysay in la helay fikrado iyo doodo la xirriira kaalinta bulshada iska taagi karto howlaha nabadeynta dalka.

Sidoo kale Gudoomiye kuxigeenka degmada Yaaqshiid Raxmo Dahir Siyaad ayaa sheegtay in horumarka bulshada lagu gaari karo, iyadoo aan la adeegsan qori caaradii, in la sameeyo wacyi gelin si dhalinyarada fikirka qaldan loogu shubay laga wacyi geliyo, waxaana ay sheegtay in Diinta Islaamka aanay xoog ogoleyn, balse diinta tahay mid naseexo oo nabad ah.

Gudiga Haweenka UYS oo ay ka mid ahaayeen Carfoon Wehliye Siyaad, Luul Warsame Guuleed iyo Faadumo Axmed Geeddi ayaa dhankooda sheegay in is bedelada jira ay muhiim tahay in bulshada hiigsadaan, si wax qabadka jira loo soo bandhigo, waxaana ay tilmaameen in dowladda wado dadaalo, balse bulshada laga doonayo inay is garab taagaan.

Jawaahir Baarqab oo ka mid ah haweenka qurba joogta ayaa soo dhoweysay siminaarada Hey’adda qabato, waxaana ay carabka ku adkeysay in barnaamijyada Hey’adda wado ay dhiira gelisay haween badan oo qurba joog ahaa oo ku dhiiraday inay dalka yimaadaan, si ay uga qeyb qaataan ololaha nabada iyo wacyi gelinta.

Ugu dambeyn siminaarkan ayaa qeyb ka ah siminaaro Hey’adda Midowga Dhalinyarada Soomaaliyed ee UYS ay u qabaneysay bulshada qeybaheeda kala duwan, gaar ahaan haweenka sidii ay awood ugu yeelan lahaayeen inay ka qeyb qaataan nabadgelyada iyo xasiloonida bulshada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.