Imran Khan oo ka laabtay safar uu ku tagi lahaa India sababo la xiriira Salman Rushdie dartii

Siyaasiga caanka ah ee dalka Pakistan ee ka tirsan xisbiga mucaaradka Imran Khan ayaa ayaa sheegay inuusan ka qeybgali doonin shir ka dhici doona dalka India sababtoo ah waxa ka qeybgalaya Salman Rushdie oo hada ka hor aflagaadeeyey Diinta Islaamka.

Mr Salman, oo qoray buug uu wax kaga sheegay aayadaha Qur,aanka, ayaa u qorsheysan inuu ka hadlo shir ka dhici doona magaalada Delhi ee caasimada India maalinta Jimcaha ah.

Imran Khan ayaa carabka ku adkeeyey in dhamaan Muslimiinta uu meel uga dhacay Rudhsie.

Muslimiinta oo dhan ayaa u arka Salmaan nin cadaw ku ah Diinta iyo Islaamka, kadib buugiisi uu qoray sanadki 1988-kii, kaasi oo sababay inuu ku dhuunto dalka Ingiriiska.

Qoraagaan aflagaadeeyey Diinta Islaamka ayaa laba bilood ka hor dowlada India ku qasabtay inuu ka baxo wadanka marki ay heshay henjabaadyo ah in ay dili doonaan dad muslimiin ah.

Mr Khan, oo ahaa ciyaaryahan hore usoo ciyaari jiray kubada crickete-ka, waxaana uu haatan ka tirsanyahay Xisbiga Cadaalada ee Pakistaan ‘Pakistan Movement for Justice’.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.