Imisa maalmood ayuu Cootinho Garoomada ka maqnaan doonaa?

Sida uu daabacay wargeyska caanka ah ee The Sun Philippe Coutinho ayey macquul tahay inuu garoomada ka maqnaado muddo 6 todobaad ah iyadoo laga cabsi qabo in xidigaan heerka caalami uu ka jabay canqawga kadib markii dhaawac looga saaray kulankii Sunderland ee sabtidii.

nintchdbpict000285345125

Philippe Coutinho ayaa maanta mari doona tijaabo caafimaad iyadoo kooxda ka dhisan Anfield Road ay warbixin caafimaad kasoo saari doonto xaaladiisa galinka dambe ee maanta markaas oo la ogaan doono mudada rasmiga ah oo uu Coutinho ka maqnaan doono kooxda Jurgen Klopp.

nintchdbpict000285339990

Sida ay ku waramayaan ilo ku dhaw Liverpool lama filayo inuu xidigaan jab soo gaaray, inkastoo 24-jirkaan uu muddo dheer garoomada ka maqnaan doono hadii ay dhaawac jab ah uu jiro.

nintchdbpict000285345146

Philippe Coutinho ayaa lagu arkay xerada tababarka Melwood shalay oo Axad aheyd isagoo lugta ka duuban, arintaan ayaana kusoo aadeysa xilli Liverpool ay kulamo culus yeelan doonto bisha December ee soo aadan.

By Rashka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here