IMF-ta oo shaacisay dhaqaalaha Afrika in uu sameeyay kor u kac wayn

Warbixin uu qoray khamiistii shaley wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, wuxuu ku sheegay in dhaqaalaha Africa uu aad koray 10-kii sanno ee la soo dhaafay, gaar ahaan dalka ku yaalla galbeedka iyo bartamaha qaaradda.

Wargeyska oo soo xiganaayay hey’adda lacagta adduunka IMF, ayaa sheegay in waddamada dhaqaalahooda uu kor u kacay ay ka mid yihiin Ivory Coast iyo Mozambique.

IMF waxa ay lee dahay labadan waddanada iyaga ayaa ugu horreeya qaaradda waddamada dhaqaalahooda uu sameeyay horrumar.

Labadan waddan waxaa ay dhaqaale badan ka sameeyeen Bunka iyo Gaaska 10-kii sanno ee la soo dhaafay.

Dadka la socda dhaqaalaha gobalka waxa ay lee yihiin iyadoo uu jiro dhaqaale korarkaas, haddana waxa jirta cabsi la xiriirta in dowladdo iyo hey’adda itaal daran in ay sabab u noqdaan in uu dumo dhaqaalahaas sii kordhaya ee qaaradda.

IMF waxa ay sheegtay in dalka Ivory Coast oo dunidda ugu horreeya geedaha laga sameeyo Shukulaatada uu sameen doono sannadka soo socda 8%. Halka Mozambiqu oo isna adduunyada ugu horreeya soo saarka gaaska uu isna sameeynayo 8% sannadka soo socda.

Dalka Nigeria, oo Africa uu ugu horreeyo soo saarka saliida uu sameen doono 7% sannadka 2014, waxaana ku dhow dalka Koonfur Africa.

Dhowr waddan, oo ay ka mid yihiin Iran, Brazil, Russia, India iyo China ayaa billaabay in maalgashi ka sameeyaan qaaradda Africa.

Bankiga adduunka ayaa dhawaan saadaaliyay in dhaqaalaha Saxaraha Africa uu gaari doono 4.9%, ama 5.1% ama 5.2% sannadkan 2013, 2014 iyo 2015.

Maalgaliyaal ajaaniib ah ayaa billaabay in ay maalgashi ka sameeyeen saxaraha Africa waxana seddaxda sanno ee soo socda uu gaari doonaa $54bn (£35bn) ilaa 2015. Marka lo barbardhigo $37.7bn oo uu sannadkii horre ahaa.

Macdanta taalla waddamo ay ka mid yihiin Ghana, Guinea, Liberia, Nigeria iyo Sierra Leone waxa ay soo jiiteen waddamada maalgashiga sameeya.

Sidoo kale waxaa jirra waddamo ay ka mid yihiin Gabon, Equatorial Guinea iyo Nigeria kuwaas ay gani ka yihiin kheyraad uu eebe wayne ku muteestay.

Wakaalada warar Reuters ayaa warisay toddobaadkan in dhuxusha macdanta laga sameeyo ay hoos u dhac ku keentay wadooyinka iyo dekeedaha ku yaalla dalka Mozambique.

Si kastaba, xasiilooni darida ka jirta waddamada Jamhuuiradda Dhexe, Maali iyo Togo, waxa ay abuureen sicir barar iyo ascaarta raashinka oo aad u kacay, waxaana isaga baxay dalalka deeqaha bixiya ee Yurub.

Bankiga adduunka wuxuu lee yahay waa la filayaa in sannadka 2020-ka afar ama shan waddan oo ku yaalla gobalka aysan awood yeelan doonin in ay soo saaraan macdan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here