Imaaraadka & Madaxda Maamul Goboleedyada oo ku heshiiyay 2 arin oo Halis ku ah Xasan Shiikh

imaaraadKulamadii qarsoodiga ahaa ee dalka Imaaraadka Carabta ku lahaayeen madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka iyo mas’uuliyiin ka tirsan dalkaasi ayaa soo dhammaaday.

Wararka laga helayo magaalada Dubai ayaa sheegaya in ujeedka shirka uu ahaa wadatashi ku saabsan doorashada 2016 iyo qorshe ay wadaray Imaaraadka Carabta oo dano waaweyn ka leh Soomaaliya.

Qandaraaskii koowaad ee Doorashada 2016 ayay dowladda Imaaraadka Carabta siisay madaxda maamulada dalka iyadoo loo balanqaaday kharashaad kale haddii wejiga koowaad ee qandaraaska ay fuliyaan.

Qorshahan Imaaraadka ayaa ah in Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya laga hor istaago inay soo galaan xubnaha ka tirsan kooxda Damjadiid iyo taageerayaasha madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana madaxda maamulada dalka laga rabaa inay xaqiijiyaan arrintan oo ay ku heleen dhaqaale hordhac ah.

Qorshaha labaad ee Imaaraadka oo ku xiran fulinta qorshaha koowaad ayaa dib loo dhigay, isagoo ku saabsan laba musharax oo xilalka madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ka noqon doona dowladda cusub.

Madaxweynayaasha maamulada ee shirka Dubai ka qeyb galay waxaa ka mida: Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, Galmudug C/kariin Guuleed, Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble, Koonfur Galbeed Shariif Xasan iyo Jubbaland Axmed Madoobe.

Isha: Goobjooge

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here