Imaaraadka Carabta oo dhexdehxaadinaya Cabdiweli Gaas & Guuleed

gaas-iyo-guuleedIyadoo dhamaan madaxda maamul goboleedyada dalka Soomaaliya ay ku suganyihiin magaalada Dubai, ayaa waxaa soo baxaya warar hoose oo sheegaya in Imaaraadka ay bilaabeen dhexdhexaadinta Madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Puntland.

Madaxweynayaasha labada maamul ayaa qeyb ka ah madaxda maamul Goboleedyada ee Imaaraadku casuumay, waxaana jirta xurguf colaadeed oo u dhaxeysa taasoo ka aloosan magaalada Gaalkacyo.

Imaaraadka oo dano weyn ka leh Soomaaliya islamarkaasna faragelin ku haysa Doorashada Soomaaliya ee dhawaan la filayo ineey qabsoonto, ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii uu heshiis u dhex dhigi lahaa labada madaxweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here