Ilyaas Barre Shiil: Weerarada waxaa laga soo abaabula Xeryaha Qaxootiga

ALeqM5gt3uBf3SB8ZjQrLhS77iriqrFoHQFadhi ay maalinimadii shalay isugu yimaadeen Gudiga dhanka Amaanka u qaabilsan Baarlamaanka Kenya, ayaa waxay sheegeen in Weerarada ka dhaca dalka Kenya laga soo abaabulo Xeryaha ay ku jiraan Qaxootiga Soomaaliyeed.

Xildhibaan Ilyaas Barre oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya xubinna ka ah gudiga difaaca iyo arimaha dibadda ee Baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in qoxootiga Soomaaliyeed ee xeryaha dalka Kenya ku jira ay wax ka abaabulaan weerarada loo gaysta xarumaha muhiimka ah ee dalkaas.

Ilyaas Barre ayaa sheegay in gudiga difaaca iyo arimaha dibadda ee baarlamaanka Kenya lasoo hordhigay cadaymo muujinaya in weeraro badan oo ka dhaacay gudaha dalka Kenya laga soo abaabulay xeryaha qoxootiga ee Iffo iyo Dhagax-buur.

Xildhibaan ILyaas Barre ayaa ka dhawaajiyay in weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate Mall laga soo abaabulay xerada Dhagax-buur, wuxuuna sheegay inay muhiim tahay in qoxootiga Soomaalida ah dib loogu celiyo dalkooda si ay u yaraadaan weerarada gudaha dalka Kenya laga gaysto.

Ilyaas Bare Shiil, ayaa ah nin had iyo jeer jecel inuu Tooshka ku iftiimiyo Qaxootiga Soomaaliyeed ee dagaalada dhibatada uga soo cararay dalkooda, sidoo kale waa nin Cunsuri ah oo neceb dadka Soomaliyeed, gaar ahaan kuwa kasoo cararay Koofurta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here