Ilmo Doollar Dhaqato! Faallo

doolar-300x225Xilligii aan cayaal iskuulka ahaa waxaa nala bari jiray waxyaabo badan oo dalka ka mid ah. Sida meelaha ay ku kala yaalaan warshadaha dalka. Warshadahaasi waxaa ka mid ahaa tii sokorta, tii dharka, tii hilibka iyo kuwo kale.

Waxaa kaloo intaa noo raaca in berisamaadkii  nalagu bari jiray iskuulaadka hoose wadanka waxyaabaha uu hodanka ku yahay iyo bulshada waxa ay u kala qeybsanto.

In caruurta la baraa dalka iyo dadka waa wax weyn. Waxaan kaloo manhajkii hore ee dalka ku xusuustaa in caruurnimada naloo qeybin jiray buugaag sheeko xariirooyin ah oo ka tarjumayay dadka iyo dalka.

Buugaagtaasi ayaa iskugu jiray kuwo maad ah iyo kuwo xikmad leh. Waxaa kaloo caruurta xilligaa u dheeraa in waalidku ugu sheekayn jiree sheekooyin loogu gol lahaa in lagu kobciyo maanka caruurta.

Waxaan xusuustaa in bulshada soomaaliyeed xilligaa nala beri jiray in bulshada Soomaaliyeed u qeybsanto  xoolo dhaqato, beeralay iyo kaluumaysato.

Xoolo dhaqatada ayaa waxaa ay dhaqdaan baa nala oran jiray xoolaha noocyadooda kal duwan sida Ari, lo’ iyo geel.

Beeralayda ayaa ayaguna waxaa ay tabcan jireen galayda, mazakada, sisinta, digirta iyo khudradda noocyadeeda kala duwan.

Kaluumaystadana waxaa ay ka jilaabtaan badda Soomaaliya oo leh xeeb dheer oo ay dhex ceegaagaan kaluunka noocyadiisa ugu macaan_nimco Eebe ku manaystay dhulkena hooyo.

Intaa marka laga yimaado ayaa waxaa igu soo dhacay qormadan aan cinwaanka uga dhigay “DOOLAR DHAQATO”.

Waxaan is iri maa qeybtan lagu soo daro bulshada Soomaaliyeed maadaama ay xilliyadaan danbe ku soo biireen.

Doolar dhaqato waxaan ula jeedaa bulshada Soomaaliyeed ayaa saqiir iyo Kabiirba waxaa ay safaf dhaadheer u galaan xawaaladaha.

Inta badan Miyi iyo magaalo waxaa bilkasta horaanteeda layska xaadirayaa xawaaladaha si loo soo qaato xoogaaga doolar ee ay soo direen gabadha ama wiilka ku maqan dibada.

Wiilka ama gabadha ku nool dalka ayaa marka ay ka soo tegayaan dhulka hooyo waxaa  ay is weydiinayaan haddii ay dal kale tagaan lacagta ku filan.

“laba boqol oo doolar hadii laguu soo diro meeshaas waa ku noolaan kartaa. Wadada waxaa kuugu filan intaas oo doolar,” waa jawaabaha ay isa siiyaan ilmo Doolar dhaqato.

Hase ahaatee, bulshadan ‘DOOLAR DHAQATO’ oo aan u arkay bulshada qeyb ka mid ah in ay keeneen kheyr iyo khasaaro.

Inbadan qeybtaan waxa ay u nool yihiin si fiican. Waana lagu dul nool yahay, waxaa suura gal ah in reerka xoogaa doolar loo soo diro in ay hayaan reero kale oo ay qaraabo yihiin ama ay waxbarasho ka bixiyaan caruur kale oo ay qaraabo yihiin.

Dhinaca kale, doolarkan waxaa uu bur buriyay jiil dhan oo wax qabsan lahaa. Dhalinyaradii_waa kuwa lacagaha loo soo diro e,  ayaa inta badan aan shaqeysan. Waxaa ay ku fakaraan oo keliya in ay ku tamashleeyaan xoogaaga loo soo diro. Mararka qaarna waxaa ay ku fakaraan in xoogaaga loo soo badiyo si ay ugu tahriibaan.

Si kastaba, qeybtan waa qeyb ku soo biirtay bulshadeena dagaaladii ahliga ahaa kadib. Isha keliya ee ay in badan maciin bideen ayaa noqotay lacagaha laga sugo waalidka, walaalaha,ehelka iyo qaraabada xilligii bur burka.

W/Q: Maxamed Cusmaan New York

Nairobi |Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here