Ilaalada C/wali Gaas iyo Shariif Xasan oo lagu amray ineey hubkooda kala Baxaan Goobta lagu dooranayo afhayeenka

War hada naga soo gaaraya hoolka lagu dooranayo gudoomiyaha Baarlamanka,ayaa waxay sheegayaan in shirgudoonka baarlamanka ay ilaalada Xilibaanada Shariif Xasan iyo C/wali Gaas ku amreen ineey hubkooda kala baxaan goobta.

Gudoomiyaha KMG ayaa codbaahiye kusheegay in ammaanka goobta siwanaagsan loo adkeeyay isla markaasna aan loo baahneen in hub lala soo galo,markii uu amarkaas soo baxay ayaa ilaalada shariif xasan hubkooda kala baxeen meesha,laakiin waxaa istaagay C/wali Gaas kaasoo u muuqday mid kaxun amarkaas.

C/wali Gaas ayaa mudo 5daqiiqo ah waxa uu lamurmayay shir gudoonka laakiin waxaa losheegay inaan loo baahneen in hub meesha lala soo galo islamarkaasna dhamaan musharaxiinta ay yihiin kuwo usiman hubna aan meesha lala soo gali doonin.

Sida caadiyanka ahba madaxda ugu sareysay dowladii dhacday ayaa marwalbo ay shir ama munasabad kasoo qeyb galayaan waxay soo wadan jireen ilaalo qaas u ah,iyadoo madaxweynaha uu xilkiisa dhacay uu qaas uleeyahay ilaalo lagu magacaabo Aala Sheeikh,halka ra’iisul wasaarihii uu isna xilkisia dhacayna ay ilaalo uyihiin wiilal uu kakeensaday Puntland.

Wali waxaa socda hada qabanqaabada waxaana lagu wadaa in goordhow ay bilaabato codeynta gudoomiyaha baarlamanka,waxaana idiin balanqaadeeyna inaan hadba wixii kusoo kordha aan idinla soo socodsiino.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here