Iker Casilas “Pique aad ayuu ugaranayaa sida loo raaco C.ronaldo”

Goolhayahan xulkaSpainiyo naadiga Realmadrid Ikar Cassilas oo kahadlaya heerka xulkaspainiyo guulaha isdaba jooga ah ay gaarayan waayadan waxa uu sheegay in 2008spainay kamdi ahayd xulalka usharaxnaay ineey ku guuleeystaan tartankii Euro 2008 balse aysan jirin qof aaminsaneyd ineey ku guuleeysaneyso.

“afar sano kahor waxaan soo gaarnay kama danbeysta Euro 2008 anagoo sidan kawanaagsan waxaana kamid aheyn xulalka usharaxnaay tartankaas laakiin mjirin qof dhahayospainayaa ku guuleeysaneysa” sidaa waxaa yiri casilas

Waxa uuna hadalkiisa kusii daray “waxaan haysanaa qibrad ku saabsan guul darooyin nasoo gaaray waqtiyo hore markaasoo anan uqalmin ciyaaro kala duwan, marmarka qaar kubadda cagta wey kaa hiilineysaa, laakiin waqti xaadirkan anaga ayey noo hiilineysaa”

Ugu danbeyntii casilas waxa uu sheegay inuu aad uga xunyahay kamaqnaashaha xulka spain Puyol iyo villa kuwaasoo dhaawac kaga maqan, sidookale waxa uu kahadlay C.ronaldo oo ay isaga hor imaan doonaan Quarter final-ka habeen danbe waxa uuna yiri “Gerrard Pique aad ayuu ugaranayaa sida loo raaco Ronaldo marka lajoogo Barcelona iyo spain”